DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Waqooyi bari oo mar kale sheegay inay maxkamadda aadayaan

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari ayaa weli ku adkeysanaya inay maxkamadda geynayaan dacwad ay uga soo horjeedaan natiijadii ka soo baxday tirakoobkii dalka laga sameeyay dhammaadkii bishii sideedaad ee sannadkan.
Waxay sheegeen in tirada la shaaciyay aynan ka turjumeynin midda dhabta ah ee deegaanada hoos tago ismaamulada gobolka waqooyi bari.
Hadalkan ayay ka jeediyeen munaasabad loogu dabbaaldegayay waxqabadka xoghayihii fulinta ee urur goboleedka IGAD injineer Maxbuub Macallim.
Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow ayaa sheegay inaynan caqli gal ahayn in ay korortay tirada dadweynaha deegaanada kale ee Nairobi balse midda Kamukunji oo ay ka mid tahay xaafadda islii ay hoos u dhacday.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa xusay inaynan jirin qowmiyad la doonayo in tiradeeda saxda ah la dhimo.
Waxaa uu ku baaqay in loo istaago oo la iska kaashado sidii arrintan xal loogu heli lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here