DHAGEYSO:Hoggaamiyaha ANC oo beeniyay inuu khilaaf kala dhaxeeya Raila Odinga

Madaxa xisbiga ANC , Musalia Mudavadi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in isaga iyo hoggaamiyaha mucaaradka , Raila Odinga uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo kala geeyay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in mararka qaar ay muujiyaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan waxyaabaha wadanka ka taagan iyo xal u helidooda balse taasi aynan micnaheedu ahayn inay cadowtinimo ka dhaxaysa.

Waxaa dareen kani la mid ah jeediyay senetarka ismaamulka Bungoma ahna madaxa xisbiga Ford-Kenya , Moses Wetangula.

Labadan mas’uul ayaa xilli ay ku sugnaayeen kulan ka dhacay dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka waxay sheegeen inay taageerayaan warbixinta BBI.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn isbeddelka wanaagsan ee dalka ka jiro.
Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya ay u baahan tahay isbeddelo ballaaran oo dhanka kobcinta dhaqaalaha ah.
Wetangula ayaa dhankiisa xusay inay lagama maarmaan tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo 9-ka qodob ee shacabka ay aragtidooda ka dhiibteen.
Wuxuu intaas ku daray in xoojinta midnimada wadanka ay micnaheedu tahay inaan qofka mucaarad ama cadow loo arkin hadii uu muujiyo dareen ka duwan siyaasiyiinta kale.
Dhanka kale xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU , Mr. Francis Atwoli ayaa bulshada ku nool galbeedka dalka ugu baaqay inay midnimo muujiyaan si ay uga faaiidaan horumarka ay horseedi doonto warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee kala ah Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula ayuu ku boorriyay inay meesha ka saaraan xisbiyada ay hoggaamiyaan oo ay sameeyaan hal xisbi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here