DHAGEYSO:Hoggaamiyaha ANC oo dowladda ku dhaliilay barnaamijka dijitaalka ee tacliinta

Madaxa xisbiga ANC, Musalia Mudavadi ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalka ku dhaliilay qaabka ay u waddo barnaamijka online-ka ee ay ardayda ku qaadanayaan casharrada maadaama ay dugsiyada xiran yihiin.
Mudavadi ayaa xusay inay jiraan arday aan awoodin inay fursaddan ka faaiidaystaan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waalidiinta aynan dhaqaale ahaan isku mid ahayn sidaas awgeedna qaarkood aynan u suurtagali Karin inay carruurtooda u fududeeyaan helidda casharrada lagu bixinayo qaabka dijitaalka ah.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in dowladda ay la timaaddo qorsho arday dhammaan ay si siman casharrada ugu heli karaan.
Siyaasigan ayaa doonaya in waalidiinta iyo ardayda xilli hore lagu wargeliyo qaabka barnaamijkan loo fulinaya si ay isugu diyaariyaan.
Mr. Mudavadi ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in hal imtixaan ay wada sameeyaan arday casharrada helay iyo kuwa aynan u suurtagalin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here