DHAGEYSO:Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo kulan la yeeshay madaxweyanaha Jabuuti

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dalka Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale oo Maamulkiisa ka tirsan, Dhinaca kale waxaa madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa Kualanka kaddib warbaahinta la hadlay wuxuuna faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti,isagoono u mahadceliyay dowladda iyo shacabka jabuuti ee markasta Garab istaaga u muujiya umadda Soomaaliyeeed.

Waxaa sidoo kale goobtaas hadal ka jeediyay wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee dalka jabuuti wuxuuna sheegay in kulankaan ayaa mid ahmiyada gaara leh dowladda Jabuutina ay markasta ka go’an tahay ka shaqaynta hormarka arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa arbacadii ina dhaaftay wuxuu gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas u tagay arrimo la xariira dhismaha dekedda Magaalo Xeebeeda Hobyo oo la doonayo in dhismaheeda la gudaha galo si ay bulshada uga faa’iidaysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here