DHAGEYSO:Hoggaamiyaha Maamulka Puntland oo la kulmay Masuuliyiin dowladda dhexe ka tirsan

Madaxweynaha Mamaulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa kulan la qaaay xubnaha laga soo doortay deegaanada Maamulka Puntland ee ku jira Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan arimaha deegaanada Maamulkaas iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku hada marayo iyo dadaalka Maamulka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla wada ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.
Masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxay isugu jireen Xubnaha Golaha Wasiirada dowladda dhexe Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo dowladda dhexe ka tirsan sida, Siihayaha Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, Cabdullaahi oo Sidoo kalena Xildhibanao ah iyo xubno kale
Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland jaamac Dabaraani ayaa Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee kulankaas oo ay ka wad hadleen Madaxweynaha Maamulak Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Xubnahaan ka tirsan Golaha Wasiirada dowlada Fedraalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here