DHAGEYSO:Hoggaamiyaha ODM oo sheegay in cudurka Covid-19 uunan joojin karin geedisocodka BBI

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa sheegay in cudurka wadanka iyo guud ahaan caalamka ka jiro ee Coronavirus uunan istaajin Karin arrimaha BBI.
Mr. Odinga oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda Radio Citizen ayaa shacabka dalka u sheegay inay isku diyaariyaan afti wax looga beddelayo dastuurka
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka la xakameeyo faafitaanka xanuunka ay sidii caadiga ahayd u sii soconayaan barnaamijyada ku aadan dib u heshiinsiinta dadweynaha iyo xal u helidda tabashooyinka ay qabaan.
Raila Odinga ayaa hakadka ku yimid howlihii guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta kenyaanka ee BBI la barbardhigay kala barka cayaarta ee ay cayaartooyda nastaan.
Waxaa uu sido kale cid kasta oo isku aragta astaamaha cudurka kugu baaqay inaynan ka xishoon ama ceeb u arkin inay tagto xarun caafimaad si loo baaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here