DHAGEYSO:Hoggaamiyaha Wiper oo ka hadlay tirakoobka qaran

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa soo jeediyay in la xaqiijiyo sidii qof waliba oo Kenyaan ah loogu tirin lahaa halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay si weyn ugu soo baxaan tirakoobka qaran ee guud ahaan dalka ka billaabanaya habeenka 24-ka bishan sideedad.
Kalonzo Musyoka oo horay u soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in qof waliba uu xilliga xisaabinta dib ugu laabto deegaankiisa.
Sido kale waxaa uu sheegay in xisbiga Wiper ee uu madaxa ka yahay uu si buuxda u taageerayo geedisocodkan tobankii sano hal mar ah la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here