DHAGEYSO:Hoggaamiyaha xisbiga Wiper oo waji gabax kala kulmay dhalinayarada Nyeri

Hoggamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo xulafadiisa oo shalay tagay ismaamulka Nyeri ayaa halkaasi lagu soo dhaweynin islamarkaana lagu ooriyay.
Mr Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in dhalinyaro badan ay carqaladeyeen ololihiisa warbixinta guddiga dib u heshiisinta iyo mideynta shacabka Kenyaanka ee BBI.
Shacabkii uu la hadlayay ayaa ka soo horjeestay warbixinta BBI islamarkaana ay qadayeen heeso ay ku taageerayaan Madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu lagu qasbay in khudbadiisa uu soo gaba gabeeyo.
Waxaa xuu ballanqaaday in ololahaasi ay sii socon doonan islamarkaana xubnaha shacabka ugu baaqay in ay akhristaan oo ay fahmaan warbixinta BBI-da ka hor inta aysan ka soo horjeesanin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa socdaal ku maray gobolada Mount Kenya ee Nyahururu, Nyandarua, Laikipia iyo Nyeri .
Dhanka kale Kalonzo Musyoka ayaa dhowr xafiis oo xibsiga Wiper uu iska leeyahay uu ka furay degmada Skuta ee Nyeri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here