DHAGEYSO:Hoggaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya oo kulano gaargaar ah yeeshay

Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kulan gaar ah ku yeeshay madaxda Maamulada dalka Soomaaliya ee shirku kaga socdo halkaas, iyagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxda Maamul goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa shirkooda gaarka ahaa waxaay kaga hadlen arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya hada marayo gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo xiliga kala guurka ah kuwaasoo u baahan in lagu wajaho Siyaasad loo dhan yahay oo dhinacyadu Heshiis ku wada yihiin.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulankaan gaarka ah ay madaxdu uga hadleen arrimaha doorashoyinka dalka Soomaaliya guud ahaan xaalada siyasadedeed ee dalka iyo sida looga gudbi lahaa is marin waaga siyaasadeed ee Soomaaliya kajira.
Shirar gaar gaar ah oo kale ayaa la filayaa inay yeeshaan madaxda Maamul goboleedyada ilaa iyo inta uu kasoo geba-gaboobayo shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug si ay u xaqiijiyaan Amniga Guud ee Magaalada oo uu ka socdo Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada.
Ciidamada Booliiska ayaa gaaf-wareegaya wadooyinka Magaalada iyadoona lagu arkayo baro koontrol oo magaalada dhexdeeda la dhigay kuwaas oo gaadiidka lagu hubinayo.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay gudanayaan waajibka Booliiska ka saaran Amniga.
Waxaa uu Bulshada Dhuusamareeb kaga mahad celiyay wadashaqeynta ay u muujiyeen laamaha Amniga ,si ay ugu guuleysaan sugida amniga Magaalada oo mas’uuliyiin farabadan ay ku sugan yihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here