DHAGEYSO:Hormarinta Qorshaha qaranka oo laga daahfuray Magaalada Caabudwaaq.

Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Fedralka Soomaaliya ayaa ka daahdurtay Magaalada Caabud_waaq ee gobalka Galgaduud wareegga labaad ee Wadatashiga Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka.
Wafdi isugu jiray dowlada dhexe iyo maamulka Galmudug ayaa gaadhay Magaalada caabudwaaq kuwaasoo ujeedkoodu ahaa Daahfurida Barnaamijkaasi.
Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta iyo Hormarinta dhaqaalaha dowlada Soomaaliya Muuse Maxamed Cismaan ayaa sheegay in wadatashigaan yahay mid balaadhan oo lala yeelanayo dhamaan hay’adaha Fulinta,Aqoonyahanada,Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo dhagaysto baahiyahooda kadibna loogu biiriyo qorshaha qaranka.

 

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee wafdigaan qaybta ka ahaa ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan wafdigaan ka socda Magaalada Caabudwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here