DHAGEYSO:Howlgal ka dhan ah daroogada oo laga sameeyay Guriceel

Ciidamada Booliiska Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay in muddo ah ka wadeen deegaanka waxaa ay ku doonayeen in ay kaga hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee magaalada la soo geliyo
Khamri iyo xashiish la sheegay in deegaanka laga soo geliyay dhanka itoobiya ayay ciidamadu ku soo qabteen howlgalkan oo muddo bil ah ay wadeen sida uu idaacadda star fm u sheegay taliye ku xigeenka saldhiga booliiska degmada Guriceel laba xidigle Maxamed Maxamuud Seeraar

 

Waxaa uu sido kale sheegay in dhowr mar oo kala duwan ay qaadeen howl galo lagula dagaalamayo maandooriyaha deegaanka la soo geliyo ayna ilaa afar qof soo qabteen iyagoo isticmaalayey.
Taliye ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in eedeysanayaasha ay horgeyn doonaan sharciga halka uu dadka shacabka ah ka codsaday in ay ciidamada kala shaqeeyaan la dagaalanka daroogada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here