DHAGEYSO:Howlgal Kismaanyo ka dhacay oo dad lagu qabqabtay

Howlgal ay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku qab qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxaay sigaar ah uga sameeyeen xaafadda Calaleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana Booliska ay sheegeen in lagu qabtay maanka dooriyaha Xashiishka, khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.
Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu yimid, kaddib cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafadda Calaleey ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen ilaa 20 Ruux oo dhamaantooda lala xiriirinayo falal amni daro iyo ka ganacsiga Maandooriyaha.
Waxaa uu sheegay in dadka la qabtay ay u gudbin doonnaan Maxkamadda si Cadaaladda loo marsiiyo, isagoo Tilmaamay in waxyaabaha maanka dooriya ay ka qeyb qaataan falalka amni darrada ah ee mararka Qaar ka dhaca Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhow.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Xaafadaha qaar ee Magaalada Kismaayo ay ka cabanayeen in maandooriyaha khamriga iyo Xashiishka uu kusoo badanayay Xaafadahooda loona baahan yahay Talaabo ay qaadaan Ciidamada amaanka si ay dhibaatadaas wax uga qabtaan.
Dhanka kale Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa waxay Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose kasoo qabteen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga oo la sheegay inuu qof shacab ah dilay qof kalena dhaawacay.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada dhoobleey ay u suurtagashay Ciidamada inay soo qabtaan askarigaan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 43aad.
Waxaana uu sheegay inay ku wareejin doonnaan Maxkamadda Ciidamada ee Maamulka Jubbaland si cadaaladda loo marsiiyo.
Howlgalka lagu soo qabtay Askariga la sheegay inuu dil geystay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo askariga la sheegay inuu gacan ku dhiiglaha yahay, kaddib markii ay rasaas is weey daarsadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here