DHAGEYSO:Howlgallada lagu raadinayo meydadka hooyo iyo gabadheeda oo maalinkii 9-aad galaya

Khuburro aad ugu xeel dheer dabbaasha oo ka yimid dalka Koonfur Afrika ayaa maanta la filayaa inay ku biiraan howlgallada socdo in ka badan hal isbuuc ee lagu raadinayo meydadka laba qof oo maalmo ka hor ku dhacay badda Indian Ocean xilli ay baabuur saarnayeen.
Waxay ciidamada badda ee dalka ka caawin doonaan sidii lagu soo heli lahaa meydadka Mariam Kighenda iyo gabadheeda Amanda Mutheu oo afar sano jir ahayd.
Qoyska hooyadan ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkad lagu magacaabo SubSeas Services, oo ka howlgasho wadanka Koonfur Afrika oo laga codsaday 5 sarkaal .
29-kii bishii hore ayay ahayd markii baabuur yar oo ay saarnayeen Mariam Kighenda iyo gabadheeda uu badda ku dhacay xilli uu gudbayay marinka ama feeriga Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Guddoomiyaha waaxda adeegga feeriga ee KFS Dan Mwanzo ayaa faahfaahin ka bixinayay howlgallada maanta sii soconaya iyo cidda gacan ka gaysanaysa

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in marxaladaha la marayo ay yihiin kuwo aan fududeyn sidaasi awgeedna qoyska Mariam iyo dhammaan Kenyaanka ay ka codsanayaan inay dulqaad muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here