DHAGEYSO:Howlgallo amni oo ka socdo Galmudug

Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa saacadiihii la soo dhaafay ka socday howlgallo amniga magaalada lagu adkeeynayo
Taliyaha ciidamada booliiska ee Dhuusamareeb Cabdulaahi Xasan Macalin ayaa idaacadda star fm u sheegay in ciidamada ay u suurta gashay in ay ka hortagaan falal la damacsanaa oo amniga lid ku ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah ciidamada ay fashiliyeen qaraxyo la rabay in deegaanka dhibaato looga geeysto isla markaana ay hayaan dad loo soo qab qabtay falalkaasi oo uu hadda baaritaan ku socdo .
Taliyaha ayaa sido kale wax ka weydiinay sida ciidamada booliiska ugu diyaarsan yihiin in ay sugaan amniga musharixiinta iyo mas’uuyiinta magaalada imaanaya iyo dhamaan dadka isugu yimid caasimada Galmudug.

Howlaha la xiriira dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeeystay tan iyo markii ahlusunna iyo dowladda federaalku ay ka heshiiyeen tirada xildhibaanada ahlusunna ay ku yeelaneeyso baarlamaanka maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here