DHAGEYSO:Howlgalo ka dhacay gobolka Hiiraan oo Faahfaahin laga Bixiyay.

Saacadihii la soo dhaafay ayay Ciidamada Booliska ee maamulka Hir-Shabeelle waxay howlgallao dad badan lagu Soo qabqabtay ka Fuliyeen Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,howlgaladaas oo amniga gobolka lagu xaqiijinayay.
Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaay ku baarayeen guryaha qaar ee Magalada Baladweyne iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida ay Warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan Hir-Shabelele.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasadda iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo qabteen ku dhawaad 20 ruux oo lala xiriirinayo falal amni-darro ah,kuwaasoo badankood isticmaalayay waxyaabaha maanka-dooriya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Hir-Shabeelle ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegano u dhaxeeya Magaalooyinka Buulo-Burte & Jalalaqsi oo iyaguna ka wada Tirsan isla Gobolka Hiiraan,isla markaana howlgalladaas lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here