DHAGEYSO:Howlgalo laga fuliyay degmada Dharkeenleey

Ciidanka amniga iyo maamulka degmada Dharkeenley ayaa Xalay waxay howlgal ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi ka kooban tahay.
Gudoomiyaha degmada Dharkeenleey Guhaad Sh Xasan ayaa howlgalkaan hogaaminayay waxayna kormeer Socod ah ku mareen dhamaan Waxayaha degmada Dharkeenley ayagoo shacabka la kulmayay kana waraysanayay Caqabadaha dhanka amniga ah ee ay Wajahayaan iyo baahiyaha adeegyada Bulshada ee ay doonayaan in wax laga Qabto.
Guhaad Sh Xassan Gudoomiyaha degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadie wuxuu sidoo kale Balan qaaday inuu Maamulkiisu waxbadan ka qaban doono sugida amaanka iyo wax ka qabashada Kooxaha Burcadaha ee mararka qaar dhaca u gaysta shacabka degmadaasi ku nool.
Wuxuu sidoo kale Hoosta ka xariiqay in Maamulkiisa oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir uu dardarkalin doono Mashaariicda kala duwan eek or loogu qaadayo adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada.
Masuuliyiin degmada iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa intii ay kormeerkooda ku gudaha jireen Waxay booqanayeen Goobaha ay dhalinyaradu isugu yimaadaan waxayna ku dhiiragalinayeen inay ka qayb qaataan Sugida amniga iyo hormarinta degmada.
Kormeerkaan oo saacado badan qaatay ayaa Kadib markii uu Soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay gudoomiyaha degmada dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho Guhad Sh Xassan wuxuuna sheegay in kormeerada Noocaan ah ay noqon doonaan kuwo si joogto ah looga Sameeyo waaxaha kala duwan ee degmada dharkeenley ay ka kooban tahay si maamulka iyo shacabku isugu soo dhawaadaa ayna wada jir ugu fuliyaan baahiyaha degmada ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here