DHAGEYSO:In ka badan 10 qof oo ku dhimatay bas shil ku galay meel u dhow Bangal

158

Ugu yaraan 12 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil xalay ka dhacay tuulada loo yaqaano Tula kaddib markii ay isku dhaceen bas ay leedahay shirkadda Nasiib iyo midka ka mid ah baabuurta xamuulka qaado.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 10 qof ay isla goobta ku nafwaayeen halka 2 kalena ay ku dhinteen isbitaalka Garissa iyadoo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad .
Wariyahayaga ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa xalayto markii uu shilka dhacay kaddib khadka taleefoonka kula xariiray Maxamad Axmad oo ah maamulaha baska

Weli waxaan ku guda jirnaa wararka Wajeer, Hay’adda Beeytulmaal ayaa deeq raashiin ah gaarsiisay qoysas aan haysan wax ay ku afuraan oo ku nool magaalada Wajeer
Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa faahfaahinta qodobkan noo soo diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here