DHAGEYSO:In ka badan 100 qoys oo ku barakacay daadadka Narok

Ugu yaraan 100 qoys oo ku nool ismaamulka Narok ayaa lagu soo warramayaa inay ku barakaceen fatahaado saameeyay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu karkaarrada jabsaday webiga Mara ee halkaas ku yaalla.
Barasaabka ismaamulka Narok , Samuel Ole Tunai ayaa sheegay inay saameyn soo gaartay ilaa 114 qoys .
Waxaa uu intaa ku daray in sido kale biyaha ay gudaha u galeen beeraha taasoo waxyeelleysay dalagga halka xoolo dhowr ahna lagu waayay.
Shacabka deggan agagaarka webiga ee ay dhiaatadu soo gaartay ayuu ugu baaqay inay u guuraan meelaha uu joogoodu sarreeya si looga badbaado saameyn dheeraad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here