DHAGEYSO:In ka badan 40 kun oo qof oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maamulka KGS Naasir Cabdi Caruush oo warbahinta Maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliyaayaa ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladaha dadka ku sugan deegaano gobolka shabeelada Hoose ka tirsan oo wabiga shabeelle fatahado xooggan ka Sameeyay horaantii ilaa bartamihii bishaan.
kulan ku saabsan dardargelinta howlaha gargaarka oo uu La qaatey Hay’adaha ka howlgala Deegannada Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay inay kaga hadleen sidii deg deg gurmad loogu gaarsiin lahaa dadka aan wali wax Cawimaad ah la Gaarsiin.
Wuxuu sheegay in meelaha ugu daran ay yihiin Magaalooyinka Afgooye, Walanweyn iyo toolooyin Hoos taga oo biyo baxadu Saamayn weyn ku yeelatay.
In ka badan 40 o qof ayuu xaqiijiyay inay Saamayn Xoogleh ka Soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka gaystay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Gaar ahaan degmooyinka Afgooye,Walanweyn iyo Tuulooyin Hoos taga kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah aysan Wali helin gargaarkii ay u baahnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here