DHAGEYSO:In ka badan labo Milyan Soomaali ah oo dalkoda ku gaajaysan.

Wasiirka wasaarada Beeraha ee dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay inay xiligaan dad badan oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku wajahayaan Xaalado nololeed oo aad u adag.
Wasiirka Wasaarada Beeralaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo maanta la hadlayay warbaahinta dowlada ayaa wuxuu sheegay in Tirakoob la sameeyay lagu ogaaday in gudaha dalka Soomaaliya ay ku gaajoonayaan dad ay Tiradoodu gaarayso 2 Milyan oo qof kuwaasoo ay Saamaysay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay inay dadkaas u Baahan yihiin Kaalmo deg deg ah iyo in laga caawiyo dib ugu laabashada deegaanadoodii maadaama ay hada qaab barakac ah uga maqan yihiin deegaanadoodii.
Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Wasaarada Beeraha ee dowalda Soomaaliya wuxuu Tilmaamay in hadii dadkaasi aysan Kaalmo deg deg ah helan ay Macluul wajahayaan, wallow dhanka kalena uu sheegay inay wasaaradiisu qaadayso talaabooyin xal loogu raadinayo dadka Dhibaataysan.

 

Dalka Soomaaliya oo mudo dheer dowlad la’aan ahaa sidoo kalena ay abaaro daba dheeraaday ku soo noqnoqdeen ayaa sababtay in shacab fara badan oo ku nool gobolada kala duwan ee Soomaaliya ay wajahaayn xaalado nololeed oo adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here