DHAGEYSO:Isbadalka Cimilada Soomaaliya oo Saamayn ku yeelatay Kaluumaysatada

Dhulka Xeebaha ee dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe waxaa ka jiray dabaylo Xooggan oo Saamayn ku yeeshay nolosha bulshada Kaluumaysatada waxayna hadda yihiin kuwo aan wax shaqo ah haysan madaama qaar ka mid ah noloshada lagu la’a yahay sidoo kalena ay dooomo badan kaga burbureen.
Qaar ka mid ah Kaluumaysatada Soomaaliyeed ee Mudada dheer shaqadaan ku soo jiray ayaa faahfaahin ka bixinaya xaaladu sida ay hadda tahay iyo Saamaynta ku timid shaqadooda.

Qiimaha caadiga ah ee Kaluunka lagu kala iibsado ayaa sare u kacay kaddib bad Xirinka Soomaaliya ka jira waxaana aad isku badalay lacagtii Markii hore lagu kala iibsan jiray iyo mida haatan lagu kala iibsanayo sidda ay sharaxayso mid ka mid ah Haweenka Kaluunka ka ganacsada ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Quburada arrimaha badaha ku xeel dheer ayaa sheegay in xiliyada Xagaaga mararka qaar ay dhici jirtay in bada laga Kaluumaysto mararka qaarna laga Cabsan jiray balse hadda dabaylaha socda oo Xooggan awgood aysan suuro gal ahayn in kalluumaysi la aado ayadoo laga cabsi qabo inaan dib loo soo noqon oo duufaanta qaado cidkasta oo bada gasha.

Ugu Yaraan 21 doomood oo ka kala shaqeen jiray gobolka Banaadir iyo labada Gobol ee shabeellooyinka ayaa gabi ahaanba ku burburay dabaylaha xiligaan ka dhacaya Xeebaha Soomaaliya sidoo kale ugu yaraan 7 qof ayaa badda lagu la’a yahay sidda uu sharaxayo Xoghayaha Ganacsatada Kaluunka ee dan-kulmis sidoo kale waxaa jira dad kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here