DHAGEYSO:Isbitaal lagu daaweynaya Kansarka oo laga furay Makueni

Waxaa ismaamulka Makueni markii ugu horreysay laga hirgeliyay xarun caafimaad oo loogu talagalay la tacaalidda cudurka Kansarka.
Xaruntan ayaa ku taalla deegaanka Wootee waxaana lagu dhisay mashruuc ay iska kaashadeen shirkadda Roche , machadka caalamiga ee kansarka ee (ICI) iyo hay’adda la dagaalanka Kansarka ee Afrika.
Barasaabka ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhaqaale ku filan u qoondeynayso maareynta adeegyada ay xaruntan bixin doonto.
Waxaa uu xusay in ay isdiiwaangeliyeen 132 qof oo doonaya in laga daaweeyo kansarka.
Shacabka ismaamulkaas ayaa lagu booriyay inay wax ka beddelaan hab-nololeedkooda si ay uga badbaadaan cudurkan

Shacabka qabo xanuunada kansarka ee Makueni ayaa horay daryeel caafimaad u soo raadsan jiray isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi iyo xarumaha kale ee sida gaarka ah loo leeyahay tani oo qarash badan uu kaga bixi jiray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here