DHAGEYSO:Isimo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad sagootin ah oo uu maamulka gobolku u sameeyay Isimada Soomaaliyeed oo ka socday maamul goboleedka Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ku hadlayay afka Isamada ayaa maamulka gobolka iyo dadka reer Muqdisho kaga Mahad Celiyay soo dhawaynta ay u sameeyeen maalmihii ay ku sugnaayeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,wuxuuna gabi ahaan dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay gutaan Waajibaadka dalkooda ka saran.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay Muqdisho tahay Magaalo ay dhamaan dadka Soomaaliyeed u siman yihiin ayna wada Matalaan wuxuuna hoosta ka xariiqay inta uu Xilka hayo hadii qof Soomaaliyeed dareemo inuusan dadka Muqdisho ku dhashay ama degan la mid ahayn uu isagu Masuuliyadaas Qaadanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here