DHAGEYSO:Isku duwaha ammaanka ee Xeebta oo ka hadlay qaadidda xayiraadda

Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan la qaadi doono bandowga iyo xayiraada saaraan qaybo gobolada dalka ka mid ah.
Isagoo la hadlayay warfidiyeenka magaalada Mombasa ayaa waxaa uu sheegay in aan lagu sii jiri karin bandowga sida uu madaxwnaha dalku dhawaan tilmaamay.
Waxaa uu ugu baaqay mulkiilayaasha hotelada iyo gaadiidka dadwaynaha inay isku diyaariyaan dib ugu laabashada shaqooyinkoodii hakadka galay.
Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in xayiraadaha lagu xakameynaya faafitaanka fayska la fududeyn doono oo keliya marka qiimeyn buuxda la sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here