DHAGEYSO:Isku socodka u dhaxeya Nairobi iyo ismaamullada kale oo maanta dib u billowday

Waxaa afartii aroornimo ee maanta dhaqangalay amar shalay ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa soo afjaray xayiraad muddo jirtay oo lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Mandera kaddib markii ay kordheen kiisaska fayraska corona.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda u kala gooshi jiray Nairobi iyo Garissa ayaa go’aanka madaxweynaha aad u soo dhaweeyay.
Waxay sheegeen inay mudadii ay safarrada xayirnayeen ay saameyn ballaaran ku timid.
Sido kale gaadiidleyda ayaa carrabaabay inay diyaar u yihiin u hoggaansanka shuruudo lagu xiray si ay shaqooyinkoodi dib ugu laabtaan

Mr. Kenyatta ayaa shalay sheegay in muddo 21 cisho ah si dhow loola socon doono kiisaska cudurka COVID19 oo hadii ay xaaladda sii xumaato mar kale la soo celin doono amarkii lagu xannibay safarrada u dhexeeya caasimadda wadanka iyo dowlad deegaannada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here