DHAGEYSO:Ismaamulka Garissa oo caawinaad gaarsiisay dad ay roobabku saameeyeen

Dowladda ismaamulka Garissa oo kaashanaysa midda dhexe iyo hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa deeq raashiin iyo gurmad kale gaarsiisay degmooyin ay saameyn ka soo gaartay roobabka xooggan ee da’ay.
Waaxda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Facebook-ga ku sheegtay in shacabka deeqdan la gaarsiiyay ay ka mid yihiin kuwa ku nool deegaanka hoose ee Galmagala ee Fafi.
Gurmadkan ayaa in la daabulo loo adeegsaday diyaaradda qummaatiga u kacda ee Helikobtarka maadaama isku socodka gawaarida aynan waqti xaadirkan suurtagal ahayn.
Ku xigeenka barasaabka Garissa Cabdi Dhaqane oo markii barnaamijkan xariga laga jarayay warbaahinta faahfaahin siiyay ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Xoghayaha dowlad deegaanka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa dhankiisa dadweynaha u ballanqaaday in dowladda ay sii wadayso taageerada ay u fidinayso ilaa iyo inta ay ka yaraanayaan roobabka da’aya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here