DHAGEYSO:Ismaamullada oo loogu baaqay inay lacago u qoondeyaan daaweynta xoolaha

Wasiirka wasaaradda beeraha, xoolaha , kallumeysiga iyo iskaashatada ee dalka Mr. Peter Munya ayaa dowladaha ismaamullada ku booriyay inay dhaqaale u qoondeyaan la tacaalidda cudurrada saameeya xoolaha.
Waxaa uu sido kale soo jeediyay inay soo gudbiyaan warbixino dhamaystiran si loo ogaado gaabadka dhanka daaweynta ee jiro.
Wasiirka ayaa sheegay inuunan jirin ismaamul wax ka qaban karo xanuunada xoolaha hadii aan miisaaniyad loo qoondayn.

Mr. Munya ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ismaamulka Isiolo ka daahfuray barnaamij lagu tallaalaya xoolaha la dhaqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here