DHAGEYSO:Itoobiya oo deeq waxbarasho siisay Shaqaale katirsan dowladda Somalia

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 arday oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda oo deeq waxbarasho ka heley Dalka Itoobiya gaar ahan jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020.
Munaasabadda ardayda lagu sagootinayay Waxaa ka qeyb-galay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Safiirka Ethiopia ee soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aya diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa hambalyo u diray ardayda heshay deeqaha waxbarashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here