DHAGEYSO:Jaaliyadda Soomaalida Koonfurta Suudan oo gar gaar gaarsiisay shacabka dalkaas ee tabaalaysan

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan Ambassador Xuseen Xaaji Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey 25 ka tan oo raashin gar gaar ah kaasoo ay iska soo arruuriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas dagan isla markaana safaaraddu ku wareejisay dowladda K/Sudan si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka reer Suudan ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo roobabka Xooggan ee qaybo badan oo dalkaas ka mid ah ku dhuftay.
Safiirka ayaa bogaadiyay Talaabada ay qaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan wuxuuna sheegay inay gargaarkaas ku wareejiyeen Munaasabadda ay ka soo Qayb Galeen Madax sare oo ka tirsan dowladda Suudanta Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here