DHAGEYSO:Jaamacada Umada Soomaaliya oo qabatay tababar ku saabsan la tacaalida Covid 19

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay tababar lagu baranayay ka hortaga iyo xakamaynta cudurka Covid 19 oo loo qabtay howladeenada Caafimaadk eek a howlagala gudaha dalka Soomaaliya.
Tababarkaan oo ay bixinayeen Macalimiin Talyaani ah ayaa waxaa Goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Dowlada Soomaaliya iyo gudoomiyaha Jaamacada Umada Soomaaliyee Prof Maxamed Axmed Jimcaale oo sheegay inay Jaamacadu waqti badan Galisay Kaalinta ay ka qaadan karto ka hortaga Cudurka Covid 19 iyo qaabka Bulshada loo fahansiin karo saamaynta cudurka inta ay gaarsiisan tahay.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya aya isna hoosta ka xariiqay Kaalinta dhaqaatiirta Jaamacada umada ay ku leeyihiin Fahamsiinta cudurka ee bulshada sidoo kalen Talaabo wanaagsan ku Tilmaamay isku howlka Jaamacada ee xakamaynta cudurka iyo fahamsiinta khatarta cudurka,wasiiru dowlaha waxbarashada ayaa isna dhankiisa howshaan Bogaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here