DHAGEYSO:Jubaland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag dhac gaystay

Saraakiisha amniga Maamulka Jubaland ayaa sheegay in kaddib Markii Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay kusoo kordheen falal amni darro, oo xilliyada habeenkii Kooxo hubeysan ay dadka dhac u geysanayaan ayaa howlgalo Sameeyeen.
Taliska Ciidanka Booliska Magaaalada Kismaayo ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda,isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay.
Taliyaha Booliska Kismaayo Gaashaanle Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay inay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah ee hubeysan,isla markaana tira kamid ah ay gacanta ku dhigeen cadaaladana la horgayn doono.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay ku daba jiraan Koox burcad ah oo habeen ka hor qof Shacab ah ku dhaawacay Gudaha Magaalada Kismaayo xilli ay ka dhacayeen taleefoonkiisa.
Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayuu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaqeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay kooxahaas teleefoonada dhacaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here