DHAGEYSO:Jubaland oo soo Bandhigtay askar loogu Talagalay la dagaalanka Al-shabab

Masuuliyiinta Maamul goboleedka Soomaaliyeed Jubaland iyo Saraakiisha Ciidanka ee gobolada Jubooyinka ayaa waxays oo bandhigeen Ciidamo fara badan oo ay sheegeen in loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-shababaab.
Ciidanka Milatariga dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta ee Maamulka Jubaland oo iskaashanaya ayaa lagu wadaa inay Maalmaha Soo socda bilaabaan howlgalo balaadhan oo Al-shabaab ka dhan ah.
Yuusuf Xuseen dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha ugu Saraysa Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay hada kadib soo gabagaboobeen sida uu hadalkiisa u dhigay Waayihii AL-shabaab ee deegaanada Maamulka Jubaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here