DHAGEYSO:Jubbaland oo digniin u dirtay dadka falal danbiyeedyada gaysta

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa digniin u diray shaqsiyaadka gaysta falal danbiyeedyada ay ka mid yihiin dilalka iyo Kufsiga iyo sidoo kale dad uu sheegay inay markasta isku dayan si ay dadkaas danbiyada kale sharciga uga badbaadiyaan.
Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay inay jiraan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqan oo juhdi badan ku bixinaya markii lagu soo eedeeyay shaqsi ay matalaan fal dambiyeedyo uu kamid yahay kufsi si ay u badbaadiyaan oo qofkaas aan maxkamada loo hor keenin.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan marnaab Jubbaland ogolaan doonin falalka uu kufsiga kamid yahay,sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad kusii daayaan ayadoo aan lagula xisaabtamin danbiga lagu soo oogay.
Waxaa uu u digay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan dadka kufsiga geysta, waxaana uu sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay falal kufsi iyo dil isugu jira oo loo geystay Gabdho aad u yar, waxaana jira dad loo haayo Falalkaas oo Maxkamad sugayaal ah iyo kuwo aan weli gacanta lagu dhigin kadib markii ay baxsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here