DHAGEYSO:Jubbaland oo digniin u dirtay dadka shabaab amarradooda ku shaqeeya

Taliska Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Jubbaland ayaa shacabka iyo ganacsatada deegaanada Maamulkaas waxay kaga digeen inay u nuglaadaan Hanjabaadaha iyo farriimaha uga imaanaya dagaalameyaasha Al-shabaab.
Taliyaha Nabad Sugida Jubbaland Con Khaalid Sh C/laahi ayaa soo saaray digniintaan ku socota dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool deegaanada Maamul goboleedka Jubaland maadaama uu sheegay inay shabaabku doonayaan inay shacabka iyo ganacsatada ku cabsi galiyaan si ay Lacago uga qaataan sida uu tilmaamay.
Taliyaha ayaa sheegay in cidkasta oo shabaab la soo xiriirto sidoo kalena awaamiirtooda u hoggaamsama ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan maadaama hadii ay amarka AL-shabaab qaataan ay Suuro galtahay inay howlgal u fuliyaan taas oo uu sheegay inay tahay arrin ay Qatar weyn ka dhalan karto.
Ugu dambayntii Taliyaha Nabad Sugida Jubbaland wuxuu ugu baaqay cidkasta oo Hanjabaad ay kaga imaado AL-shabaab inay la soo xiriiraan hay’adaha amaanka maamulka ayna damaanad qaadi doonaan amaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here