DHAGEYSO:Junet Maxamad oo eedeyn u jeediyay ku xigeenka madaxweynaha dalka

Xildhibaanka laga soo doortay bariga deegaanka Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku eedeyay inuu kala qaybsanaan wado.
Waxaa uu ku booriyay inuu soo afjaro hadalo uu xusay inay wadanka qalalaase u horseedi karaan.
Junet ayaa William Ruto ugu baaqay in hadii uunan ku qanacsanayn ka mid ahaanshaha xisbiga talada haya ee Jubilee uu isaga baxo

Baaqan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa xafiiska madaxaa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga halkaas oo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu kulan kula qaatay mas’uuliyiinta qowmiyadda Maasai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here