DHAGEYSO:Ka warran hadii aad isku egtihiin madaxweynahaaga

Dadka mataanaha ah ama wada dhashay ayaa inta badan lagu tilmaamaa kuwo isku eg.
Ka warran hadii aad isku ekataan hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaaga oo xita dadka qaar aadan ka dhaadhicin Karin inaadan madaxweynaha ahayn.
Waxay xaaladdan oo sida uu sheegay faaiido iyo dhibaatooyinba uu kala kulmo haysataa nin lagu magacaabo Michael Njogo oo ay aad isugu egyihiin madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Ninkan oo uu sawirkiisa maalmihii la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada ayaa sheegay in dad badan ay ugu yeeraan magaca madaxweynaha ama uhuruuga xaafadda.
Mr. Njogo oo ku nool xaafadda Umoja ee magaalada Nairobi ayaa xusay inuunan guriga ka soo bixin isagoo aan haysan ugu yaraan 500 oo shilin maadaama dadka qaar aynan ka rumeysanayn inuusan lacag u heli Karin marka ay weydiistaan.

Waxaa uu intaa ku daray inuusan garanayn sababta ay aad isugu egyihiin madaxweynaha oo uu sheegay hadii uu la kulmo inuu weydiin lahaa inay wada dhasheen.
Mar la weydiiyay inuu qaadi doono xayiraadda lagu xakameynaya faafitaanka fayraska corona ayuu sheegay inuunan taasi awood u lahayn.
Ninkan oo ah aabe dhalay labo wiil iyo gabadh ayaa carrabka ku adkeeyay in cudurka COVID19 uu saameyn ku yeeshay shaqadiisi wuxuuna dhanka kale shacabka ugu baaqay inaynan aad isugu dhawaan oo ay is caawiyaan xilligan adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here