DHAGEYSO:Kadib Qarixii Garowe ka dhacay oo ciidanka amaanku howlgalo Bilaabeen

Guddoomiyihii gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, Cabdisalaan Xasan Xirsi ayaa u geeryooday dhaawicii ka soo gaaray qarax Xalay lagula eegtay bartamaha magaalada Garoowe.
Qof ismiidamiyey ayaa isku Qarxiyey Gaari ay saarnaayeen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli.
Labada Masuul ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo Culus oo ugu dambeyntii uu u geeriyooday Gudoomiyihii gobolka Nugaal.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa Magalada Garoowe ka bilaabay howlgallo,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah,waxaana Ciidamada oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan lagu arkayaa,iyagoo howlgallo ka fulinaya Xaafadaha qaar ee Magaalada Garoowe.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay galayaan guryaha qaar,hayeeshee halka ugu badan ee howlgalka uu ka socdo ay tahay agagaarka xaafadaha ku dhow dhow halkii uu qaraxa ka dhacay,wallow aan wali la shaacin wax dad ah oo howlgalkaas lagu soo qabtay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse iyo wasiirka Arrimaha Gudaha ee puntland ayaa labdu waxaay si wadajir ah u sheegeen inay hayaan xogo ku saabsan qeyb kamid ah qofkii is qarxiyey.

Xaalada Magaalada Garoowe ayaa saaka ka duwan maalmihii la soo dhaafay,waxaana Magaalada laga dareemayaa howlgallada Ciidamada iyo nadiifinta goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya.
Go’amo kasoo baxey Shirkaas ayaa waxaa kamid ah in bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogey deegaannada Puntland,kaas oo bilaabanaya 6:00 Maqribnimo kun eg ilaa 5:00 Subaxnimo.
Sidoo kale waxaa la amrey in laga bilaabo 1-da april in la joojiyo basaska ka dhex Shaqeeya Magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa u kala gudba Magaalooyinka deegaannada Puntland.
Sidoo kale in la xadidey Goobaha dadka isugu yimaada,sida Goobaha Ciyaarah,Maqaaxiyaha lagu Ciyaaro, iyo Shirarka iyo Kulamada iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here