DHAGEYSO:Kal-fadhiga aqalka sare oo dib loo dhigay ilaa galinka dambe ee maanta

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa saaka yeeshay shir ay doonayeen inay kaga doodaan ansaxinta nidaamka muranka dhaliyay ee ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Kal-fadhiga ku saabsan dooddan ayaa dib loo dhigay ilaa galinka dambe ee maanta kaddib markii senetarrada ay dalbadeen inay xarunta yimaadaan seddex senetar oo aan meel lagu ogeyn.
Senatarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa sheegay in shirka uunan sii socon karin inta ay saddexda senatar golaha ka maqan yihiin.

Johnson Sakaja oo laga soo doortay Nairobi ayaa sheegay in ciidamada sida uu hadalka u dhigay wado cabsi gelinta aynan matalin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo uu xusay inuu aad u tixgeliyo dimuqraadiyadda.
Waxay sheegeen in aqalka sare lagu hayo cadaadis ku saabsan in la meel mariyo hannaanka sida weyn loogu kala qaybsamay.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Bomet Christopher Lang’at iyo dhigiisa Samburu Steve Lelegwe ayaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay kaddibna la geeyay dowlad deegaannada ay ka soo jeedaan si ay u qoraan fariimo la xiriira eedeymo loo soo jeediyay.
Sido kale senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayay wararku sheegayaan inuu ku xanniban yahay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Kitengela ee Kajiado oo ilaa iyo 3-dii habeenimo ee xalay ay ciidamo isku gaadaameen.
Xilli uu dhawaan la hadlay warbaahinta ayuu sheegay in hadii loo yeero uu saraakiisha ammaanka isku dhiibaya balse uunan marnaba diyaar u ahayn cabsi gelin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga jaray adeegyada korontada iyo biyaha.
Malala, Langat iyo Lelegwe ayaa ka mid ah senatarrada sida weyn kaga soo horjeedo ansaxinta hannaanka uu soo saaray maamulka CRA.
Mr. Malala ayaa abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ugu baaqay inuu wax ka beddelo xaaladda jirta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sida ay wax u socdaan aynan ka turjumeyn qaangaarnimo dimuqraadiyadeed.
Doodda arrinkan ku saabsan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay iyadoo senatarrada oo fadhiyo kala duwan yeeshay aynan wax heshiis ah ka gaarin.
Nidaamkan oo ah midkii saddexaad ee uu soo saaray guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA ayaa la doonaya in 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay ay ku qaybsadaan 316.5 bilyan oo shilin.
In nidaamkan la ansaxiyo ayaa waxaa dib u dhac ku keenay kala qaybsanaanta senatarrada oo qaar ka mid ah ay qabaan inuu horseedayo in ismaamullada aan laga sameyn horumar siman.
Waxaa si weyn uga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin kuwo gobolka waqooyi bari oo garab ka helaya xubnaha qaar.
Mas’uuliyiintan oo ay ka mid yihiin senatarka Wajeer Dr. Cabdullahi Ibrahim, senatarka Nairobi Johnson Sakaja, senatarka Kakamega Cleophas Malala iyo dhigiisa Elgeyo Marakwet Kipchuma Murkomen ayaa sheegay inaynan marnaba taageersanayn hannaan caddaalad darro laga dheehan karo.
Dhanka kale Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ahna barasaabka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa xubnaha aqalka sare ugu baaqay inay kal-fadhiga gaarka ah ee ay maanta yeelanayaan ka soo saaraan xal ay dani ugu jirto ismaamullada.
Waxaa uu shalay sheegay in ismaamullada ay u baahan yihiin dhaqaale dheeraad ah oo ay shacabka ugu adeegaan.
Wuxuu xusay inaynan ku filnayn lacagta loo qoondeeyay ee la doonaya inay qaybsadaan ee ah 316.5 bilyan oo shilin taasoo uu doonayo in la kordhiyo.
Mr. Oparanya ayaa senatarrada ka codsaday inay tixgeliyaan mooshin ay gudbisay Petronila Were oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay.
Waxay haweeneydan soo jeedisay in dib loo dhigo dhaqangelinta hannaanka dakhli qaybsiga ee uu soo saaray maamulka qoondeynta dhaqaalaha ee CRA ilaa iyo inta ay dowladda dhexe ismaamullada ugu wareejinayso 348 bilyan oo shilin oo ay si siman u qaybsanayaan.
Waxaa sido kale jiro eedeymo ay isu jeedinayaan senatarrada oo la xiriira sababta aan arrinkan weli xal looga gaarin.
Senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Mr. Irungu Kangata ayaa senatarrada ka soo jeedo gobolka Rift Valley ku eedeyay inay caqabad ku noqdeen dadaalka uu ugu jiro in khilaafka la xiriira qaybsashada dakhliga la soo afjaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here