DHAGEYSO:Kalafadhiga Baarlamanaka Somalia oo Furmay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Kalfadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyadda ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda furitaanka.
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay kalafadhigan ayaa ka warbixiyay waxyaabiha u qorsheysan Baarlamaanka iyo xaaladda dalka Somalia ee cudurka CoronaVirus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goobjoog ka ahaa furitaanka kalafadhiga baarlamaanka dalkaas
Markii uu madaxweynaha Somalia hadalkiisa sidaasi u furay waxaa buuq bilaabay qaar ka mid ah xildhibaanada

Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay.
Waxaa xusid mudan in Kalfadhiggaan uu yahay Middkii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo Muddo xileedkoodu ku eg yahay Bisha December ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here