DHAGEYSO:Kalkaaliyayaasha dalka oo shaqa joojin ku hanjabay

Ururka qaran ee kalkaaliyayaasha dalka ee KNUN ayaa shaaca ka qaaday in laga billaabo maalinta khamiista ee toddobaadka dambe xubnaha ka tirsan dalladdan ay shaqa joojin ku dhaqaaqayaan.
Waxay wacad ku mareen in hadii dowladda aynan wax ka qaban tabashooyinkooda, kalkaaliyayaasha dalka aynan iska xaadirin doonin goobaha ay ka howlgalaan.
Waxay ku doodayaan in kastoo ay la tacaalidda cudurka Covid-19 safka hore kaga jiraan haddana inaan lagu darin howlwadeenada caafimaadka ee ka faaiidaysanaya barnaamij la xiriira daryeelka oo ay dowladda dhawaan shaacisay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here