DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo doonaya in guddi loo saaro xaaladda dhaqaale ee dalka

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu guddi istaraatiiji ah u saaro qiimeynta xaaladda dhaqaale ee wadanka maadaama ay saameyn ka dhalatay cudurka Covid-19.
Mr. Musyoka ayaa hoosta ka xarriiqay in ganacsiyo badan ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan dhibaatada wadanka iyo guud ahaan caalamka ka taagan awgeed.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee dalka albaabada la isugu dhufan doono muddo laba toddobaad gudaheed ah .
Kalonzo ayaa xusay in saameynta ugu badan ay soo gaartay dadka qutul maalmeedka qoysaskooda ka soo saaro ganacsiyada yaryar sidaas awgeedna la doonayo in taageero dowladeed oo degdeg ah loo fidiyo.
Kalonzo Musyoka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu cunno u qeybiyay qoysas danyar ah .
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay cabasho uga timid qaar ka mid ah shacabka ku nool caasimadda dalka ee Nairobi oo u baahan in loo gargaaro.
Mr. Musyoka ayaa tusaale u soo qaatay 165 qoys oo ku nool deegaanka Koonfurta Embakasi kuwaaso ay cunno yari soo foodsaartay.

Kenyaanka ayuu ku booriyay inay isku gargaaraan xilligan adag oo qof kasta wixii uu awoodo uu ku caawiyo midka dhaqaale ahaan ka hooseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here