DHAGEYSO:Kenya oo furtay laba xarumood oo lagu tacaalo Coronavirus

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa u suurtagashay inay la tacaasho caabuqa Coronavirus ee saameynta ku yeeshay qaar ka mid ah dalalka caalamka iyadoo ay jiraan xarumo u gaar ah oo wax looga qabanaya iyo qalab casri ah oo la adeegsanaya.
Muscab Ismaaciil ayaa qodobkan dhameystiraya

Dawladda Kenya ayaa gudha galaysa dhisida labo xarumood kuwaas oo lagu baarayo caabuqa Coronavirus.
Shaley ayey ahayd markii dhamaan tijaabooyinkii laga qaadhay dadkii looga shakiyay cudurkan loo diray dalka Koonfur Afrika.
Agaasimaha guud ee caafimaadka Patrick Amoth ayaa Talaadadii sheegay in Sheeybaarada caafimaadka dadweeynaha iyo xaruunta dalka ee cilmi baarista dawooyinka ee loo yaqaano [kemri] ay bilaabi doonaan tijaabada caabuqan.
Dr Amoth ayaa carabka ku dhuftay in qalabka tijaabada uu dalka soo gaaray maalinkii Axada.
Waxaa uu xusay in laga kaaftoomayo in baritaanka loo diro dalka dibadiisa.
Dalka ayaa horaan xaqiijin kari waayay in ay caabuqan qabaan Toddoba qof oo looga shakiyay kadib markii sheybaarada dalka laga waayay qalabkii lagu baari lahaa.
Cudurkan oo Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ay u bixisay magac cusub oo loo yaqaano COVID-19 ayaa galabsaday noolasha 1100 qof.
Waxaa sido kale laga digay in laga yaabo soo afjarida caabuqan uu wakhti badan qaato.
Dalkani Kenya ayaa waxaa jiraa Toddoba qof oo laga baaray caabuqa Cronovirus ama COVID-19 balse laga waayay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sido kale dabagal ku haysaa kiisas laga soo tabiyay ismaamulada Kiambu iyo Kitui.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here