DHAGEYSO:Kenya oo ilaa iyo hadda xaqiijisay 7 kiis oo Coronavirus ah

Waxaa sare u sii kacday tirada kiisaska caabuqa Coronavirus ee sababo cudurka COVID-19 ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta sheegay in la helay saddex kiis oo dheeraad ah .
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurkan ee gudaha wadanka ka dhigaysa toddobo.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dhammaan kiisaska ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen ay yihiin kuwo dalka dibaddiisa laga keenay.
Laba ka mid ah saddexda kiis ee maanta la shaaciyay ayaa ah lamaane 4-tii bishan ka soo safray Madrid dalka Spain iyagoo soo maray Dubai oo ayna wadanka yimaadeen 5-tii bishan saddexaad.
Kiisk saddexaad ayaa ah qof dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Burundi oo ka yimid magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta.
Waxaa uu qofkan Kenya yimid 17-kii bishan saddexaad.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sido kale sheegay in Dowladda ay dabagal ku hayso cid kasta oo ay suurtagal tahay inay la macaamisha ama xiriir la yeelatay bukaannada ilaa iyo hadda uu cudurkan soo ritay iyo kuwa la karantiilaya.
Mr. Kagwe ayaa shaaciyay in qeybta gaarka ah ee isbitaalka Mbagathi ee magaaladatani Nairobi hadda lagula tacaalaya 18 kiis , toddobo qof ayaa baaritaano kaddib la xaqiijiyay inaynan cudurka qabin.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay hadda wajahayso halis ah dadka uga imaanaya wadamada kale ee caalamka .
Waxaa uu digniin u diray cid kasta oo ka soo degto garoonka JKIA oo aan ogolaan in la karantiilo.
Mr. Kagwe ayaa ku nuuxnuuxsaday in rakaab kasta la siin doono foom uu buuxinaya oo uu ku xaqiijinaya inuunan dadka soo dhexgalayn taasi hadii uu ka gaabinaya qaab sharciyeed lagula xisaabtamayo.
Waxaa sido kale arrintan bartiisa rasmiga ee twitarka shaaca kaga qaaday afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here