DHAGEYSO:Kenya oo maanta looga dabaal degaya Madaraka Day

Dabaal degaya Madaraka Day

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Kenyaanka ku hoggaamiyay xuska qaran ee maalinka Madaraka Day ee sannadkan.
Dabaal deggan ayaa sannad kasta la qabtaa 1-da bisha lixaad waxaana la maamuusaa xilligii ay Kenya madax bannaanida ka qaadatay guumeystihii Ingiriiska sannadkii 1963-dii.
Xuska Madaraka Day ee sannadkan oo ah midkii 57-aad ayaa ka duwan kuwii hore waxaana jirin kulamadii dadweynaha ee lagu qaban jiray fagaarooyinka kala duwan.
Madaxweynaha dalka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa shacabka kula hadlay khudbad si toos ah looga soo tabinayay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Maadaama dowladda ay horay u mamnuucday isku imaatinka dadweynaha, shacabka ayaa lagu booriyay inay khudbadda madaxweynaha kala socdaan warbaahinta iyo baraha bulshada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xuska Madaraka Day ee ka dhacay State House lagu casuumay keliya 46 qof .
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo muujiyay dareenkiisa ku aaddan xuska maalinka Madaraka Day ee sannadkan ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada ka dhaxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here