DHAGEYSO:Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ahna guddoomiyaha guddi dhawaan la magacaabay Mr. Mutahi Kagwe ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay waxaa uu ka sheegay in gudaha wadanka lagu xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Coronavirus .
Wasiirka ayaa hasa ahaate xusay inay wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee haweeneyda caabuqa laga helay oo ay da’deedu tahay 27 sano

Waxay hadda ku jirtaa qeybta lagula tacaalo cudurrada la isku gudbiyo ee isbitaalka qaran ee Kenyatta , magaaladatani Nairobi.
Dowladda ayaa hoosta ka xarriiqday inay dabagal ku sameysay cid kasta oo ay haweeneydan wax xiriir ah la sameysay tan iyo intii ay wadanka dib ugu soo laabatay.
Sido kale wasiirka caafimaadka ee dalka ayaa sheegay inaan loo baahneyn in walaac iyo cabsi la muujiyo maadaama la sameynayo wax kasta oo suurtagal ah si caabuqa uunan cid kale u saameyn.
Shalay ayay ahayd markii guddiga loo xilsaaray ka hor tagga caabuqa Coronavirus ee saameeyay qaar ka mid ah wadamada caalamka uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku wargeliyay inaan weli Kenya lagu arkin kiis hasa ahaate arrinta maanta shaaca laga qaaday ayaa soo baxday xalay.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shalay lagu wareejiyay warbixin hor dhac ah oo ku aaddan sida Kenya ay doonayso inay kaga hor tagto caabuqa Coronavirus .
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay cudurka uu firuusigan sababo ee COVID19 ku tilmaantay musiibo caalami ah.
Sido kale madaxweynaha ayaa loo sheegay in saraakiisha caafimaadka iyo kuwa ilaaliyaha meelaha dalka laga soo galo ay heegan sare ku jiraan iyadoo baaritaano lagu sameynayo cid kasta oo wadanka soo galaysa .
Madaxweynaha dalka ayaa sido kale looga warramay sida dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ugu diyaar garoobeen ka hor tagga caabuqa iyadoo la raacayo amar uu soo saaray 28-kii bishii hore ee sannadkan.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale faahfaahin laga siiyay tallaabooyinka la qaaday ee ku aaddan ka hor tagga Corona waxaana ka mid ah in la baarayo dhammaan dadka wadanka soo galaya hadii ay ka soo degayaan garoomada diyaaradaha, maraakiib ama ay baabuur soo raacayaan.
Tallaabada labaad ee ay wasaaradda caafimaadka dalka qaadday ayaa ah in isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi laga sameeyay qeyb gaar ah oo hadda diyaar u ah in lagula tacaalo kiisaska Coronavirus .
Sido kale isbitaallada heerarka 4-aad iyo 5-aad ee ismaamullada guud ahaan wadanka ayaa laga sameeyay goobo u gaar ah wax ka qabashada firuusiga dunida ku sii fidaya.
Waxaa sido kale tallaabooyinka la qaaday ka mid ah in daaweyn dheeraad ah laga sameyn karo isbitaalka jaamacadda Kenyatta, isbitaalka qaran ee Kenyatta , Moi iyo xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay.
Waxaa tababaro iyo wacyigelin loo sameynayaa howlwadeenada caafimaadka , shaqaalaha waaxda gaadiidka iyo saraakiisha ilaaliya garoomada diyaaradaha iyo xuduudda wadanka uu la leeyahay dalalka dariska la ah.
Waxaa si ku meel gaar muddo 30 maalmood ah loo hakiyay shirarka caalamiga ah iyo munaasabado horay loo qorsheeyay in lagu qabto gudaha wadanka.
Shaqaalaha dowladda dhexe ayaa laga mamnuucay inay aadaan safarrada aan aadka muhiim u ahayn.
Howlwadeenada isbitaallada , saraakiisha amniga iyo cid kasta oo qaabilsan ka hor tagga caabuqa ayaa la siiyay qalab ay uga badbaadi karaan in iyagoo la tacaalaya uu ku dhaco.
Waxaa sare loo qaaday tayada baaritaannada ee xarunta dabagalka ku sameysa xanuunadda neefsashada la xiriira iyo machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee KEMRI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here