DHAGEYSO:Kenyaanka oo dhaliilsan hadal haynta siyaasiyiinta ee warbixinta BBI

Shacabka Kenyaanka ah ayaa siyaabo kala duwan u muujiyay dareenkooda ku aaddan hadal haynta siyaasadeed ee wadanka ka jirta ee la xiriirta dhaqangelinta warbixinta guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI.
Qaar ka mid ah ayaa qabo in madaxda siyaasadeed ay qiil ka dhiganayaan inay shacabka wax uga sheegayaan warbixinta la soo saaray bishii 11-aad ee sannadkii hore balse ay dhanka kale dano gaar ah leeyihiin.
Waxay ku talinayaan in la daabaco nuqullo dhowr ah oo ku qoran luuqado kala duwan si dadweynaha qudooda ay u akhristaan waxyaabaha ku xusan.

Dhawaan ayay ahayd markii ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu dhaliilay kulan madaxa mucaaradka ee ODM Raila Odinga iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ay ku qabtene ismaamulka Kisii.
Raila ayaa sheegay in ismaamullada kala duwan ee wadanka lagu qabanyo shirar dadweynaha lagu wacyigelinayo inay taageeraan warbixinta lagu raja weyn yahay inay xal u helayso caqabado dhowr ah.
Hasa ahaate Ruto ayaa sheegay in BBI loo adeegsanayo in si aan habbooneyn loo isticmaalo hantida shacabka.
Waxaa sido kale William Ruto u jawaabay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ODM iyo kuwa taageersan kulankii horay u dhex maray Raila iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta waxayna u sheegeen in hadii uunan taageersaneyn isbeddelka dalka ka jiro uu is casili karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here