Dhageyso:Kenyaanka oo ka hadlay waxyaabaha ay rajeynayaan in madaxweynaha uu khudbadiisa ku soo qaato

Qaar ka mid ah shacabka dalka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan qodobbada ay rajeynayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maanta ku soo qaato khudbadiisa qaran ee sannadlaha ah.
Waxay doonayaan in hoggaamiyaha dalka oo galinka dambe si wadajir ah ula hadli doono xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare uu diiradda saaro wax ka qabashada cudurka COVID-19,arrimaha dalxiiska , dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo xallinta shaqo la’aanta.

Senatarka ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Stewart Madzayo ayaa isna xusay inuu rajeynaya in madaxweynaha uu soo hadal qaado arrimaha warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI

Waxaa uu qorshuhu ahaa in khudbaddan uu madaxweynaha bilooyin ka hor jeediyo balse ma aynan suurtagalin cudurka COVID-19 awgii pandemic.
Waxaa gudaha xarunta baarlamaanka ku sugnaan doono 114 keliya oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka maadaama loo hoggaansamayo amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Waxaa sidoo kale aad loo yareyn doonaa xiriirka iyo wada macaamilka ka dhaxeya madaxweynaha , xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee golaha xeer dejinta.
Madaxweyne Uhuru ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo hadal qaado arrimaha BBI iyo isbeddellada dastuuriga ee la doonayo in la sameeyo.
Sidoo kale waxaa uu baarlamaanka faahfaahin ka siin doonaa waxyaabaha maamulka talada haya ee Jubilee ilaa iyo hadda uga qabsoomay ballanqaadyadii uu Kenyaanka u sameeyay xilligii ololaha doorashada ee 2017-kii.
Ballanqaadyada waxaa ka mid ahaa sare u qaadidda wax soo saarka beeraha , guriyeynta , caafimaad guud iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr. Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyo qaabka uu maamulkiisa ugu dadaalaya kobcinta dhaqaalaha wadanka ee uu sida weyn u saameeyay cudurka COVID-19.
Khudbaddan ayaa mid dastuuri ah waxaana madaxweynaha laga doonayo inuu baarlamaanka u jeediyo sannadkiiba hal mar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here