DHAGEYSO:Kenyaanka oo loogu baaqay inay maaskarada u xirtaan sida habboon

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ugu baaqday inay maaskarada ama afduubka loo yaqaano Facemask u xirtaan sida habboon.
Waxaa qofka laga doonaya inuu maaskarada uu sito ay ka koreysa sanka sido kalena afka oo dhan u daboolo .
Barasaabka ismaamulka Isiolo Dr. Maxamad Kuti ayaa xusay in muhiimadda loo xiranaya maaskarada ay tahay inay ka hor tag u noqoto in cudurka la isku gudbiyo.
Waxaa uu guddoomiyaha sheegay in boqolkiiba 60 ilaa 70 ee Kenyaanka ay maaskarada ku sitaan inta u dhaxaysa bishinta hoose iyo garka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here