DHAGEYSO:Kenyaanka oo maalinkii saddexaad daawanaya meydka Moi

Muscab Ismaaciil ayaa qodobkan dhameystiraya.

Meydka madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi ayaa subaxnimadii hore ee maanta la geeyay dhismaha baarlamaanka.
Shacabka ayaa u daawasho tagaya maalinkii saddexaad meydka Moi.
Maanta ayaa ugu dambeeyso daawashada meeydka oo laga soo qaaday xarunta meydadka la dhigo ee Lee Funeral Home si weyna loo ilaalinayay.
Waxaa garoonka Nyayo loogu qaban doonaa xus qaran maalinka Taladada ka hor inta aan lagu aasin xaafadiisa Kabarak maalinka Arbacada.
Kenyaanka ayaa buux dhaafiyay xaruunta baarlamaanka ee dalka maalmihii Sabtida iyo Axada si ay xushmadooda ugu muujiyaan madaxweynihii hore ee dalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha dalka ayaa iyagu xaruunta baarlamaanka gaaray Sabtidii si ay usoo arkaan meydka Moi.
Sidokale madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa maalinkii Axadda u daawasho tagay meydka Moi.
Moi oo dalka xukumayay muddo 24 sanno ah ayaa waxaa uu usbuucii hore ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital.
Dhanka kale baarlamaanka iyo aqalka sare ee dalka ayaa abaare 2.30 duhurnimo ee maanta yeelanaya kal fadhi gaar ah oo mudanayaasha ay fursad ugu heli doonaan inay u tacsiyeeyaan qoyska madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Toroitich Arap Moi ee horraantii bishan geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here