DHAGEYSO:Kenyaanka oo soo dhaweeyay amarkii shalay ee madaxweynaha dalka

Qaar ka mid ah shacabka dalka ayaa soo dhaweeyay amarkii galinkii dambe ee shalay uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay ee ahaan inaan la soo geli Karin sido kalena laga bixi Karin caasimadda dalka ee Nairobi.
Amarkan oo dhaqangalay 7-dii fiidnimo ee xalay ayaa shaqeyn doono muddo 21 cisho ah.
Sido kale waxaa uu berri oo Arbaco ah uu ka dhaqangalaya ismaamullada gobolka xeebta ee Mombasa, Kilifi iyo Kwale.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19 ee 158 kiis oo la xiriira lagu arkay gudaha dalka.
Qaar ka mid ah Kenyaanka ayaa sidatan u muujiyay dareenkooda ku aaddan amarka Dowladda dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here